Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee lagu qaaday Xarunta uu Gaalkacyo ku lahaa Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare,kaa soo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab.
In ka badan 18 ruux oo ay ku jiraan raggii weerarka geystay ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen,sidoo kalena ay dhaawacmeen kuwo kale oo ka badan.
Taliyaha Ciidamada DANAB ee Galmudug Cabdi Casiis Cabdullaahi ayaa Warbaahinta u sheegay in ilaa 4 ruux geridooda ay xaqiijiyeen,isla markaana ay baaritaano kale wadaan.
Al-Shabaab ayaa mas’uuliyada weerarkaas sheegtay,iyaga oo sheegay inay dileen Nin Aflagaadeyn jiray Nabigeena Muxamed NNKH.