Qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Kaawa-Godeey qeybta degmada Wadajir.
Goobjoogayaal ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in qaraxa uu ka dhacay Suuq ku yaalla Isgoyska Kaawa-Godeey,halkaaso oo ah goobtii uu horay qaraxa uga dhacay.
Qaraxa ayaa ahaa mid Gaari lagas oo buuxiyay,waxana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.,iyada oo xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta aheyd meel mashquul badan.
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobta gaaray,kuwaas oo xiray aaga uu qaraxa ka dhacay,sidoo kale waxa socda gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.