• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(KHAAS): Dooni hub u soo waday Xeebaha Galmudug oo la qabtay.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 29, 2016
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Markab Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee Faransiiska waxay dooni shixnad hub u soo waday Somalia ku qabteen meel ka baxsan Badda Somalia

Wargeyska TradeWinds ee laga leeyahay dalka Maraykanka oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qoray inay Ciiddanka Faransiiska qabteen Doonidaasi, kadib,  markii ay ka shakiyeen, kuna joojiyeen meel ka baxsan Badda Somalia.

Wargeyska oo soo xigtay Sarkaall ka tirsan Shirkad Maraykan oo u qaabilsan dhinaca Baaritaanadda ayaa waxa uu si kooban u sheegay in Ciiddanka Faransiiska oo adeegsanayo Diyaaradaha Helikoptarka ku dul-dageen Doonida hubka waday, waxayna baaritaan kadib ka heleen shixnad hub ah oo la sheegay in loo soo waday Xeebaha Galmudug.

Sarkaalka faahfaahin kale ma bixinin, lamana sheegin tiradda hubka saaran Doonida, halka ay asal ahaan ka soo shiraacatay iyo cidda ay u rarnayd.

Qabashaddan ayaa timid, iyadoo ay Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo Puntland ay dagaal la galeen Alshabaab soo gaaray Deegaano ka tirsan Maamuladaasi oo ku teedsan dhinaca Xeebta.

Doonida ay Ciiddanka Faransiiska ku qabteen meel ka baxsan Xeebaha Bariga Somalia ayaa ah Doonidii Labaad oo hub u soo waday Somalia oo wax ka yar 3 isbuuc lagu qabtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.

Bilowgii bishan, Marakab dagaal oo laga leeyahay dalka Australia waxay qabteen Dooni shixnad hub u soo waday Somalia,  xilli ay maraysay meel 195 mayl ka baxsan Xeebta dalka Cumaan.

Doonidaasi ayaa la sheegay in laga helay hub lagu qiimeeyey in ka badan Labo million oo Dollar.

Sidoo kale, Ciiddanka Badda ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey in doonidaasi ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Iiraan.

Afhayeenka Ciiddanka Badda Maraykanka, Ian McConnaughey waxa uu tilmaamay inay Doonidaasi waday ku-dhawaad 2,000 oo qoryaha AK 47, 100 Gantaalladda garabka laga rido ee Baasuukaha, 50 Qoryaha PKM iyo Hoobiyayaal.

Badmaaxiinta la socotay doonidaasi ee ay Ciiddanka Australia qabteen bilowgii bishan Maarso ayaa u wada dhashay dalka Iiraan, waana la sii daayey markii ay Mariniska Australia kala wareegeen rarka hubkii ay wadeen.

Si kastaba ha ahaatee, Xiriirka Dowladaha Somalia iyo Iiraan oo xumaaday darteeda ayaa loo aaneynayaa inay Dowladda Iiraan ku dhiiratay inay shixanado hub ah u soo dirto Somalia, si ay qeyb uga noqoto Ammaan-xumida iyo Colaadaha ka socda qeybo ka mid ah dalka Somalia.

hub2 hub

©WARQABADKA Radio Dalsan

Previous Post

Dad cuddurka Daacuunka ugu geeriyooday Wajeer

Next Post

Dhageyso: Warka subaxnimo ee radio Dalsan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo
Caalamka

Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo

May 8, 2025
DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland
Warar

DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland

May 8, 2025
“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”
Warar

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

May 7, 2025
“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid
Warar

“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid

May 7, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah
Warar

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

May 7, 2025
Next Post

Dhageyso: Warka subaxnimo ee radio Dalsan

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Ilhaan
May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

by Liban
May 8, 2025
0

The Federal Government of Somalia (FGS) has unveiled a contentious plan to establish a new autonomous administration in Jubbaland, in...

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

The National Consultative Council (NCC) released an official communiqué on Wednesday evening following the conclusion of its recent summit held...

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of sabotaging the National Consultative...

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
English News

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
English News

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum
English News

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership
English News

Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation
English News

Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
  • Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
  • National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
  • Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00