Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in muddo 3 bilood lagu kordhiyey muddada Hawlgalka dhinaca Ammaanka ee ay Ciiddanka ka wadaan Dhulka Kaymaha ee Boni Forest.
Wasiirka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareegto uu soo saaray, wuxuuna dadka ku nool Kaymaha Boni iyo deegaanadaa ku hareeraysan ka codsaday inay iska soo dhiibaan dhamaan Hubka ay haystaan.
Bishii September ee la soo dhaafay ayey Boliska iyo Milliteriga Kenya ka bilaabeen Hawlgal Kaymaha Boni, oo la rumeysan yahay inay Alshabaab u adeegsaan deegaano ay ka soo abaabulaan Hawlgalladda ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi.
Hay’addaha Ammaanka Kenya waxat rumeysan yihiin in qaar ka mid ah Alshabaab u adeegsadeen Deegaanka Kaymaha Boni weerarkii sannadkii hore ka dhacay Degaanka Mpeketoni, laguna dilay in ka badan 60-qof.
Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab waxay kordhiyeen Hawlgalladda ay ka wadaan xuduudka, iyadoo Dhowr Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya dhimasho iyo dhaawac kala kulmeen miinooyin ay Alshabaab ugu aaseen Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.
©Radio Dalsan       Â