Dowladda Kenya ayaa carro kulul ka qaataay Xukunkii Hordhaca ee ay Maxkamadda Caalamiga ee Garoorka ee ICJ ku sheegtay inay awood u leedahay inay qaado Dacwadda muranka Badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya,
Ilaa 13 Garsoore oo ka mid ah 15-kii Garsoore ee Maxkamadda ICJ ayaa ansixiyey Go’aankii maalintii Khamiista lagu shaaciyey inay Somalia xaq u leedahay inay sii wado Dacwadda ka dhanka ah Muran-baddeedkaasi oo ku fadhiya masaafo dhan 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.
Garsoore Ronny Abraham ayaa sheegay in Heshiiskii Is-fahamka ee ay Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen sannadkii 2009-kiiaan lagu muujinin xal khaas ah oo lagu dhamayn karo Khilaafka.
Waxay kaloo Maxkamadda ICJ laashay diidmadii hordhaca ee ay Kenya ka keentay Awoodda Maxkamaddu ku qaadi karo Dacwadaasi.
Dhinaca kale, Qareen Payam Akhavan oo ka mid ah Qareenadii Caalamiga ee u doodayey Dowladda Kenya ayaa sheegay inaysan Somalia marnaba ka hor imaanin qabsashadda Kenya ee Badda lagu murunsan yahay muddo 30-sanno ah, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu xusay inuu Khilaafka Muranka Badda ka dhashay markii la saxiixay Heshiiska Is-fahamka iyo markii ay Kenya halkaasi ka bilowday hawlaha baarista Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.
Qareen Payam Akhavan waxa kale oo uu sheegay inaysan Somalia muran ama dagaal ka keeni karin Ciiddanka Badda ee Kenya ee sannooyinka badan sugayey ammaanka Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.
Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab dagaal ku qabsan karaan Badda, haddii ay Ciiddanka Badda ee Kenya ka baxaan Xuduudka Baddeedka lagu murunsan yahay.
©Radio Dalsan