Ergayga Gaarka ee Hay’adda UNHCR ugu qaabilsan Qaxootiga Soomalida ku nool Kenya, Ambassador Mohamed Abdi Afey ayaa shaaciyey inaan la xiri doonin Xerdda Dhadhaab, inkastoo ay Dowladd Kenya horey u sheegtay in dabayaaqada bishan November 30-da albaabadda loo laabi doono Xeradaasi oo ah tan ugu ballaaran Caalamka.
Ambassador Mohamed Abdi Afey oo ka hadlay Xeradda Dhadhaab ayaa ka dhawaajiyey in dib looga xaajoonayo sidii waqti loogu kordhin lahaa Furnaanshaha Xeradaasi, oo Hoy u ah in ka badan 300,000 oo Qaxooti Soomaali ah.
Waxa uu beeniyey inay Qaxootiga Soomaalida handadaad iyo khasbid kala kulmaan Hay’addaha Ammaanka Kenya, wuxuuna xusay in Dib-u-celinta Qaxootiga tahay mid ku xiran tahay rabitaanka Qaxootiga ku laabanayo dalkooda hooyo.
Ergayga Gaarka ee Hay’adda UNHCR ugu qaabilsan Qaxootiga Soomalida ku nool Kenya waxa uu ku booriyey Dowladaha marti-geliyey Qaxootiga inay xushmeeyaan Sharciyadda Aadminimadda.
Bishii la soo dhaafay, Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF waxay sheegtay in ka badan 80% Qaxootiga Soomaalida inaysan doonin inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya, Mwenda Njoka ayaa isagana sheegay inaysan Dowladda Kenya marnaba waqti kama-dambays ah u qabanin si loo xiro Xeradda Dhadhaab.
Wuxuuna intaasi ku daray in laga yaabo in Waqti Kordhin kale lagu daro Furnaanshaha Xeradaasi.
“Dowladda waxay dejisay Bar-tilmaameed, markii lagu guul-daraystay Bar-tilmaameedyadaasi, dib ayaa loogu dejinayaa Jadwalka” ayuu yiri Afhayeenkaasi.
Bishii May ee sanandkan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa ballan qaaday in Xerada Dhadhaab la xiri doono bishan November 30-da.
Tan iyo markii ay bilaabantay Dib-u-celinta Qaxootiga go’aansaday inay ku soo laabtaan dalka hooyo waxay gaarayaan 34,900 Qaxootiga, waxaana Xeradaasi haatan ku sugan 276,269 Qaxooti Soomaali ah.
©Radio Dalsan