Hawl-fuliyaha guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Maraykanka, Maxamed Raabi ayaa hadalkaasi ka hor sheegay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM xalay ka yeesheen Hawlgalladda lagula dagaalamayo Burcad-baddeeedka ka qowleysta Badda Somalia.
“Waxaan ka codsanaynaa xubnaha Dowladaha iyo Ururradda Caalamiga inay sii wadaan Taageerada ay ka geystaan si loo ogaado sababaga asaaska u ah Burcad-baddeednimadda” ayuu yiri Mas’uulkaasi.
Waxa kale oo uu xusuusiyey Diplomaasiyiinta warbixintii uu Xoghayaha Guud ee QM ku muujiyey inuusan isbedelin Firfircoonida Burcad-baddeeda, isla marklaana ay ku jiraan kuwo ku haysta fursad Dhaqaale.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii ay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM xalay isku raaceen in muddo hal sanno lagu kordhiyo Hawlgalka Ciiddanka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysta Badda Somalia.
Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo ku baaqeen in Somalia laga taageero sidii loo maxkamadayn lahaa Burcad-badddeeda iyo sidii looga hortegi lahaa Kalluumeysiga sharci-darradda ee Badda Somalia.
Falalka Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inuu gaabis ku yimid 3-dii sanno ee la soo dhaafay, inkastoo ay weli beegsadaan Doonyaha yaryar ee Kalluumeysiga.
Tan iyo bishii August ee sannadkan ma jirto Badmaaxiin la socotay Maraakiibta waa weyn ee Ganacsiga oo ay Burcad-baddeeda qafaasheen, balse waxay weli afduub u haystaan 39 Kalluumeysato shisheeye ah.
©Radio Dalsan