Kenya oo ka digtay cabsi laga qabo Weerar ay Alshabaab ka geystaan Mandera.

Hay’addaha Ammaanka ee dalka Kenya ayaa la geliyey Feejignaan sare, kadib, markii ay Dowladda ku baaqday in la adkeeyo Ammaanka Mandera.

Madaxa Ammaanka Mandera, Fredrick Shisia ayaa tilmaamay inay Ciiddanka heegan u yihiin inay ka fal-celiyaan weeraradda la filan karo inay Dagaalamayaasha Alshabaab kja geystaan Mandera.

Waxa uu intaasi ku daray in Ciiddamo Ilaalo ah la dhigay Deegaanadda Lafey, Fino, Sheikh Baruk iyo Dabacity, iyadoo Ciiddamo hubeysan gelbin doonaan Basaska, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, waxa uu xusay in Hawlgalka lagu sugayo Ammaanka Mandera lagu dabaqi ddoono Sharciga Bandowga ee sannadkii hore lagu soo rogay W/bari Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Jospeh Nkaissery waxa uu bishii October ee sannadkii hore  sheegay in Talis Ciiddan laga dhigayo Xuduudka Mandera la wadaagto Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Taliskaasi loogu talagalay in looga hortago Dagaalamayaasha Alshabaab ee ka soo tallaaba Xuduudka Somalia ee weeraradda ka geysta Mandera.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media