Xuutiyiinta iyo Hay’adda IOM oo ka wada hadlay Duqeyntii lagu dilay 42 Qaxooti Somali ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dibedda ee Maamulka Kooxda Xuutiyiinta, Hishaam Sharaf C/llaahi iyo Wakiilka Hay’aadda Muhaajiriinta Caalamiga (IOM) u jooga dalka Yemen, Laurent De Boeck ayaa Kulan ku yeeshay Caasimadda dalkaasi ee Sanca oo ay Kooxda Xuutiyiinta maamulaan.

Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA, qeybta taabacsan Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa baahisay inay Labada Mas’uul ka wada hadleen Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga ee beegsaday Qaxootiga Soomaalida ee la socday dooni maraysay meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah ee Galbeedka Yemen.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dibedda ee Maamulka Kooxda Xuutiyiinta, Hishaam Sharaf C/llaahi waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarkaasi, wuxuuna ku sifeeyey duqeyntaasi Dembi-dagaal, isla markaana xadgudub ku ah Shuruucda Caalamiga ee Aadanaha, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka waxa uu carrabka ku dhuftay in Maamulka Xuutiyiinta ee lagu magacaabo Dowladda Badbaadinta Qaranka (The National Salvation Government) siin doonaan Daryeel Caafimaad dadka Soomaalida ee ku dhaawacmay Duqeyntii lala beegsaday doonida ay la socdeen Qaxootiga Soomaalida ee ku sii jeeday Xeebaha dalka Sudan.

Dhinaca kale, Wakiilka Hay’aadda Muhaajiriinta Caalamiga (IOM) u jooga dalka Yemen, Laurent De Boeck waxa uu uga mahadceliyey Maamulka Xuutiyiinta taageeradda ay u fidiyeen Qaxootiga Soomaalida ku dhaawacmay Weerarkaasi.

Dowladda Badbaadinta Qaranka (The National Salvation Government) ee ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ka dhisteen magaalladda Sanca ma jirto Dal aqoonsan marka laga reebo Dowladda Iiraan ee ay jaalka yihiin oo keliya.

Dhinaca kale, Dowladda Yemen ee Sharciga ah u aqoonsan yihiin Dowladda Madaxweyne C/rabbu Mansuur Haddi ee Isbahaysiga la leh Dowladda Sacuudiga weli kama aysan hadlin Qaxootiga Soomaalida ee lagu dilay duqeynta ay geysteen Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media