Villa Somalia: Agaasimihii Warfaafinta oo xilka laga qaaday, lana magacaabay Agaasime kale.

Axmed Xaaji Shadoor Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Warfaafinta ee Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa maanta xilka laga qaaday, kadib, markii uu Madaxweyne Farmaajo soo saaray Amarkaasi.

Shadoor Xaaji Shadoor oo xilkaasi soo haya tan iyo Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in lagu bedelay Agaasime cusub oo lagu magacaabo C/nuur Maxamed Axmed oo ka mid ahaa dadkii kaalinta ka qaatay Ololaha Doorashadda ee Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Madaxii Borotokoolka ee Madaxtooyadda, Siyaad Maxamuud Shire waxaa lagu beddelay Mas’uul cusub oo lagu mgcabo C/llahi Yuusuf.

Waxaa kale oo la filaya in dhwan xilk lg qaado Agasimihii KMG ee Madaxtooydda, Ambassador Cli Fiqi, kaasi oo l hadal-hayo inuu Wasiir ka noqonayo Xukuumadda Cusub ee Federalka ee dhwan lagu dhwqi doono.

Isbedelka Xilliga Kala-guurka ee Madaxda Talada kala wareegta ayaa waxaa caadi ah in ay Mas’uuliyiintii hore xilalka ka qaadaan, kuna bedelaan xubno kale oo laga yaabo inaysan Carbis iyo Khibrad u lahayn Xilalka loo dhiibay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media