• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, July 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Kenya “Dowladda Soomaaliya waxay kusoo xad-gudubtay dalkeena”

Bilan Media by Bilan Media
March 4, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxtooyada Kenya ayaa soo saartay bayaan ay uga hadleyso xadgudub ay sheegtay inay Soomaaliya u geysatay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideedaba.

War-saxaafadeedkan oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah, 4, March 2020 uu dhacay kulan khaas ah oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaran ee Kenya, kaasoo uu shir guddoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Shirkan ayaa sida ay madaxtooyadu sheegtay lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin:

Bayaan ay 5-tii bishii February soo saartay dowladda Soomaaliya Eedeymo uu Kenya u jeediyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Abuukar Daahir Cusmaan, xilli uu ku sugnaa magaalada New York, 27-kii bishii February, 2020-ka iyo weerar aan oggolaansho loo heysanin oo ay Dowladda Federaalka ku qaadday dhulka iyo madaxbannaanida Kenya, taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishan March, 2020-ka.

“Golaha Amniga Qaranka wuxuu muujiyay walaac ku aaddan xadgudubka ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya 2-dii bishan March, 2020-ka u geysteen dhulka iyo madaxbannaanida Kenya; halkaasoo ciidamada ajnabiga ah ay ku sameeyeen falal cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada kasoo horjeeda gardarrada iyo ficillada kale ee cadaawadda ah, iyagoo dhibaateeyay hantina ka burburiyay muwaadiniin reer Kenya ah oo ku nool magaalada xadka ku taalla ee Mandheera”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Kenya ayaa sheegtay in aysan wax jawaab ah ka bixinin ficilladaas ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya, taas baddalkeedana “ay is xakameysay iyadoo eegeysa xiriirka soo jireenka ah ee dhaqanka iyo nabad ilaalinta ee u dhaxeeya labada dal”.

Dhinaca kale, Kenya waxay si kulul uga jawaabtay eedeymaha uga yimid dhinaca Soomaaliya, waxaana war saxaafadeedkan lagu yiri: “Dhaleeceynta aan sal iyo raadka lahayn iyo eedeymaha ay soo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah in Kenya ay faragalisay arrimaha gudaha ee Soomaaliya; waxay qeyb ka yihiin ficillada gurracan ee isdaba joogga ah, kuwaasoo Kenya loogu adeegsanayo in loogu marmarsiiyoodo caqabadaha Soomaaliya heysta ee ku yimid sababaha siyaasadeed. Kenya ma aqbali doonto in sidaas loo isticmaalo”.

“Dhab ahaantii waxaan ku dhiirrigalineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay joojiso ol’olaha noocan ah, ayna xooggeeda iyo tamarteedaba isugu geyso sidii ay hoggaan fiican u yeelan lahayd ugana shaqeyn lahayd horumarka dadkeeda”, ayaa lagu yiri Bayaankan oo qormadiisu ay dheereyd.

Waxaa kale oo lagu sheegay in Kenya ay dadaal badan iyo dhaqaaleba galisay sidii ay Soomaaliya u heli lahayd nabadgalyo, ayna hadda ku faraxsantahay in 30 sano kaddib la arkay nabad ka hana qaadday Soomaaliya.

Bayaankan, oo ay ku saxiixneyd haweeneyda afhayeenka ka ah madaxtooyada Kenya, Kanze Dena-Mararo, ayaa lagu sheegay in Kenya ay rajeyneyso in laamaha ammaanka ee Soomaaliya oo isugu jira heer Federaal iyo heer maamul goboleedba ay isu kaashan doonaan sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ayaa yimid kaddib markii dhawaan ay dowladda Soomaaliya soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in Kenya ay si joogto ah u waddo xad gudub ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya.

BBC Somalia.

Previous Post

Puntland oo Codsi u dirtay Dowladda iyo maamul Goboleedyada

Next Post

Dhageyso;- Warka Habeenimo Ee Radio Dalsan

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika
Warar

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

July 10, 2025
Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
Next Post

Dhageyso;- Warka Habeenimo Ee Radio Dalsan

Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting

Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Ankara, Turkey – In a significant diplomatic engagement underscoring the enduring bond between Somalia and Turkey, Somali President Hassan Sheikh Mohamud...

Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border

Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border

by Ilhaan
July 12, 2025
0

MOGADISHU  – In a high-level meeting at the headquarters of the Somali Disaster Management Agency (SoDMA) in Mogadishu, the Vice...

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

by Liban
July 11, 2025
0

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Abdisalam Abdi Ali, met with Nigerian Foreign Minister Ambassador Yusuf Maitama Tuggar...

Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure

Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure

by Liban
July 11, 2025
0

Mudug, Somalia – The Vice President of Galmudug State, Mr. Ali Dahir Eid, held a high-level meeting with the Turkish...

Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting
English News

Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border
English News

Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit
English News

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

July 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure
English News

Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure

July 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Premier Bank Somalia Wins African Banking Excellence Award
English News

Premier Bank Somalia Wins African Banking Excellence Award

July 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika
Warar

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali President and Erdogan Discuss Deepening Strategic Ties in Ankara Meeting
  • Galmudug VP Urges Urgent Humanitarian Aid as Crisis Deepens Near Ethiopian Border
  • Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit
  • Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00