Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo ka hadlaayay Munaasabad lagu soo dhaweenayo 8 maarso ayaa waxaa uu balan qaad Cusub u sameeyay Haweenka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay u dhisi doonaan Hool weyn oo lagu qabto Munaasabadaha 8 Maarso oo ah maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cumar Finish in isaga iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Barqab ay ku balameen in la dhiso Hoolka Haweenka Soomaaliyeed iyo Goobo kale oo haweenka muhiim u ah.
“Waxaan rajeynayaa Sanadka soo socda hadii Alle yiraahdo in Haweenka Soomaaliyeed aan u dhisno Hool-weyn oo aan kuleel aheyn, isla markaana ay ku xafladeyn doonaan” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Munaasabad lagu soo dhawenayo 8 maarso oo maalinta berri ku beegan ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana Munasabadaas ka qeyb galay xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.