Guddiga ka hortega iyo u diyaar garawga Xanuunka Coronavirus ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray go’aamo lagaga hor tagayo faafka caabuqqa Coronavirus ee sida xawliga leh caalmka ugu faafaya.
War-sasxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in la xiro dhamaan Goobaha Waxbarashada ee Iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla deegaanaada Jubbaland muddo laba todobaad ah oo ka bilaabaneysa maalinta berri.
Jubbaland ayaa amartay in la yareero isku socodka xuduudaha ee dhaca deegaanada maamulkaas, isla markaana la furo Xarumo Caafimaadoo lagu baaro dadka soo galaya iyo kuwa kabaxaya, lana furo meel gooni oo lagu haayo qofkii laga dareemo COVID-19.
Sidoo kale Imaamyada Masaajida deegaanada Jubbaland ayaa waxaa la faray inay xiraan Musqulaha iyo meelaha lagu weysa qaato eek u dhex-yaalla Masaajidda, si looga hortego Cudurka Coronavirus.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Jubbaland soo saartay.