Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Tallaado ah shaacisay inay soo iibsatay Shaybaarka lagu baaro Cudurka Coronavirus oo dalal badan oo ku yaalla dunida fara ba’an ku haaya.
Qoraal ah oo lagu daabacay Bogga rasmiga ee Twitter-ka ee Telefashinka Qaranka ee SNTV ayaa lagu sheegay in Dowladda ay dalka keentay Shaybaarka Covid-19 oo ay soo iibsatay.
Dowladda ma shaacin dalka ay kasoo iibsatay Shaybaarka lagu baaro Cudurka halista Coronavirus, kaasi oo ay u dhinteen in ka badan 10,000 oo Ruux, halka kumanaan kalena uu soo ritay.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaaan sheegtay in Magaalada Muqdisho laga helay qof qaba Cudurka Coronavirus, kaasi oo ka yimid dalka dibadiisa, isla markaana dowladda ay karantiishay.
Sidoo kale Dowladda ayaa joojisay Duulimaadyadii Caalami ah ee dalka imaan jiray iyo kuwii kabixi jiray, sidoo kalena xirtay dhamaan goobaha Waxbarashada dalka, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.
#DEGDEG: Dowlada Soomaaliya ayaa maanta dalka keentay Shaybaarka Covid-19 oo ay soo iibsatay.
— SNTV News (@sntvnews1) March 24, 2020