Wareegto kasoo baxday Wasaaradda amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu Magacaabay taliyaha howlgalka Shabaab looga saarayo Gobolka Jubbada Hoose.
Wareegtada oo ku taariikheysan 31/12/2018 ayaa waxaa taliyaha xoreynta Gobolka Jubbada Dhexe loo Magacaabay Gaashaanle Sare Axmed Jaamac Salaad.
Magacaabistaan ayaa kusoo aadeysa xilli Maamulka Jubbaland uu maalmihii lasoo dhaafay u diyaar garoobayay dagaal Al-Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada Dhexe.