Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Jubbaland oo xilkii laga qaaday & mid Cusub oo la Magacaabay

Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xilkii ka qaaday Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Siciid Joogsade oo dhowr bil ka hor xilkaas loo Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa waxaa xilkii looga qaaday Afhayeenkii Wasaaradaas,iyada oo Afhayeen Cusub loogu Magacaabay Cabdinuur Ibraahim Xuseen.

Lama oga sababta xilka looga qaaday Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Siciid Joogsade,hayeeshee Jubbaland ayaa maalmahaan waday qorsho isbedel dhinaca laamaha Amniga ah.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada xoo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor