Shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta golaha fulinta iyo kan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasoo kasoo jeeda Gobolka Gedo, ayaa lagu shaaciyey suurta galnimada doorasho ka dhacda deegaanka doorashada 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland, iyo caqabadaha hor taagan.
Shirkan oo laga soo saarey war murtiyeed, ayaa lagu faah faahiyey sida ay lagama maarmaan u tahay in lagu qabto doorashada xiligeeda, iyagoo haddana xubnahani ay ka deyriyeen xaaladda ay kusugan tahay magaalada Garbahaareey.
Dhanka kale, waxey carabka ku dhufteen in looggu daro waqti dheeraad ah xiliga doorashada, maadaama duruufo adag oo u gaar ah ay heystaan maamulka Jubbaland.
Bayaanka ayaa lagu nuux nuux sadey in haatan aysan suura gal aheyn in doorasho lagu qabto Garbahaarey, balse loo baahan yahay in xal kale oo degdeg ah la keeno.
Magaalada Garbahaareey, ayaa ah deegaan doorashada labaad ee maamul goboleedka Jubbaland, iyadoo la qorsheeyey in halkaasi lagu doorto kuraas gaareysa illaa iyo 16.