Waxaa magaalada Kismaayo kulankoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay Golaha Wasiirada ee maamulka Jubbaland waxaana kulankaas looga hadlay arrimaha amniga siyaasadda doorashooyinka iyo wada shaqeynta dowladda fedraalka iyo maamulka Jubbaland.
Golaha wasiirada ee maamulkaas ayaa isla gartay in ay jirto faragelin dowladda dhexe ay ku heyso arrimaha Jubbaland gaar ahaana doorashooyinkawaxaana ay go,aankaan ku gaareen in ay hakiyaan wada shaqeynta ay la lahaayeen dowladda inta sida ay yiraahdeen ay khl-khalgelinta ka deynayso doorashooyonka.
Ugu dambeyntii golaha wasiirada ee maamul-gobaleedka Jubbaland ayaa ugu baaqay shacabka deegaanada kala duwan ee maamulkaas in ay ka shaqeeyaan xaqiijinta amniga iyo in ay meel qura uga soo wada jeestaan cid kasta oo dhibaato ku ah howlaha Jubbaland.