Nabiila Makram oo ah Wasiirka Socdaalka iyo Qurbo-joogta ee dalka Masar waxay hadalkaasi ka sheegay mar ay habeen hore Khudbad u jeedinaysay Jaalliyadda Masaarida ku nool magaalladda Toronto ee dalka Kanada, waxayna xustay in cunaha laga jarayo dadka sida kulul u naqdiya ama mucaaradka ku Dowladda haatan ka talisa Masar ee uu hoggaamiyo Madaxweyne C/Fataax Al-sisi.
Muuqaal Video oo laga duubay Hadal-jeedinteedii ayaa la soo dhigay Baraha Bulshadda, iyadoo ay dadku mucaaradeen hadalkeeda cabsi-gelinta ahaa.
“Qof kasta oo ku hadla wax ka dhan ah Dowladda Masar, surka ayaa laga jarayaa” ayey tiri Wasiirada oo markay hadlaysay qaab tilmaam ah gacanteeda u saartay surkeeda.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Isbahaysiga Dimuqraadiyadda ee dadka Masaarida haysata dhalashadda Kanada, Axmed C/qaadir waxa uu sheegay inay buuxiyeen Dcawad ka dhan ah Wasiirada Socdaalka iyo Qurbo-joogta ee dalka Masar, Nabiila Makram, wuxuuan xusay inay cabsi khatar leh u qaadanayaan hadalkeeda.
Waxa uu intaasi ku daray inay ka baqanayaan inay dadka mucaaradsan Dowladda Masar lagu sameeyo qaabkii ay Scauudiga ku sameeyeen Saxafigii geeriyooday ee Jamaal Khashoggi.