Wasiirka Arimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa Magacaabay Guddiga qaban-qaabada dhismaha Golaha deegaanka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiir Maxamed Darwiish ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddiga qaban-qaabada oo ka kooban 11-xubnood, kuwaasi oo Guddoomiye looga dhigay Sheekh Daahir Axmed.
Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii Golle deegaan loogu sameeyn lahaa Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Guddiga.