Waxaa subaxnimadii hore ee saakay oo sabti ah xaafad ka tirsan ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir la sheegay in lasoo dhigay Canug yar oo da’diisu lagu qiyaasay inuu jiro 10 bilood.
Hooyo lagu magacaabo Ilhaan Cismaan Maxamuud oo wareysi siisay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegtay in Canugaas yar lasoo dhigay afaafka hore Gurigeeda oo ku yaalla degmada Kaaraan, ayna marka hore maqashay ooyintiisa Canuga, sidaasina ugu soo baxday, kadibna ay aragtay Canug yar oo halkaas lasoo dhigay.
Waxaa ay sheegtay Hooyo Ilhaan Cismaan in arrinta ay Cunuga ay la wadaagtay Askar Milateri ah oo deris ahaayeen, iyagoona intaas kadib tegay Saldhiga degmada Kaaraan, isla markaana laga qoray xogta ku aadan sidii marka hore ay ku argtay Canugaas.
Hooyo Ilhaan Cismaan oo heysata 4 Caruur ayaa sheegtay in diyaar u tahay in Canuga ay ku wareejiso hooyadii dhashay hadii ay u timaado ama ay u yimaadan dad Ehelkiisa ah, iyagoona keenaya caddeeymo muujinaya inay leeyihiin Canuga yar.
Hoos ka DAAWO Muuqaalka Warbixin uu diyaariyay Wariye C/Wixii Cabdullaahi