Jarmalka oo sheegay inay magangelyo KMG siinayaan Qaxootiga Soomaalida ku xayiran Masar.

Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday inay ku-dhawaad 600 oo qaxooti ku xayirnaa dalka Masar siinayaan magangelyadda Barnaamijka Xuquuqda Aadminimadda (Humanitarian Admissions  Programme (HAP).

GERMANYBarnaamijka HAP ayaa oggolaanayo inay Dowladda Jarmalka mas’uul ka noqoto Ammaanka Qaxootigaasi tan iyo inta ay ka awoodayaan inay ku laaban karaan dalalkooda hooyo ama loogu helayo xal kale.

Hay’adda Socdaalka Calaamka ee IOM oo u xil saaran Qaxootiga la qaadayo ayaa sheegtay inay Dowladda Jarmalka caddaeysay in ay sababo dhinaca Aadminimadda darteeda  magangelyo KMG u siinayaan 299 Qaxooti u dhashay dalka Syria oo ku nool gudaha dalka Masar.

Waxay kaloo Dowladda Jarmalka ballanqaaday inay qaabilayaan 300 oo Qaxooti kale, kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Somalia, Sudan, Eritrea, Ethgiopia, Iraq iyo Falastiin, oo haatan Qaxooti ku ah, kuna xayiran gudaha dalka Masar.

IOMMadaxa Xafiiska Hay’adda IOM ee dalka Masar, Caamir Daaha ayaa sheegay in iskaashi dhex maray Dowladaha Jarmalka, Masar iyo Hay’adda UNHCR suurto-gelisay inay Qaxootigaasi dib-u-dejin ka helaan dalka Jarmalka.

Dowladda Jarmalka waxay Hay’adda IOM ugu deeqday Hal million oo Dollar si loogu adeegsado Wacyi-gelinta Qaxootigaasi iyo Hawlaha Safarka ee Qaxootigaasi nasiibka u yeeshay inay Dib-u-dejin ka helaan Jarmalka.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor