Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Thomas de Maiziere ayaa u sheegay Barlamaanka inay Ciiddanka Wadajirka ee Ka-hortagga Argagixisadda si taxadar leh u eegayaan ku-dhawaad 550-Qaxooti loo arkay Khatar dhinaca Ammaanka.
Qaxootigaasi ayaa la sheegay in la soo masaafurin doono ama loo gudbin doona Baarayaasha Ammaanka.
Maamulayaasha Jarmalka waxay su’aalo cusub iska weydiinayaan Tallaabadii uu Ninkii u dhashay Tunisia ee Anis Amri , kaasi oo bishii hore 12-qof ku dilay Suuq ku yaalla magaalladda Berlin.
Saraakiisha Ammaanka Jarmalka, waxay Anis Amri u arkeen qof khatar ah bishii Feberaayo ee sannadkii hore, balse Baarayaasha ayaa go’aansaday inaan laga filan karin inuu weerar qaado.
©Radio Dalsan