Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee Somalia ayaa soo dhaweysay Kaalmo Dhaqaale oo ay Dowladda Japan ugu talagashay Soo-celinta Qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya iyo Qoysaska ay Abaruhu saameeyeen.
Lacagta ay Dowladda Japan ku deeqday ayaa ah 10-million, 544,000 oo Dollar ayaa waxaa kale oo lo odeegsan doona Taakuleynta Daryeelka Caafimaadka Asaasdig, Hoyga, Waxbarashadda iyo Adeegyaddda Asaasiga ee Bulshadda ee Qaxootiga soo laabanayo, Tababarka Farsamadda, Kalluumeysiga iyo Taageero l siinayo Xoolaleyda iyo Beeralayda.
Dhinac kale, UNHCR yaa bishan April 7-dii sheegtay inay taageereen sidii ay 61,425 Qaxooti ah ugu soo laaban lahayeen dalka somalia.
In ka badan 200,000 oo ka mid ah dadkaasi ayaa soo laabtay afartii bilood ee ugu horreysay ee sannadkan 2017-kii.
©Radio Dalsan