Waqooyiga Kuurya oo soo bandhigtay Gantaal cusub oo isaga kala gooshi kara Qaaradaha.

Milliteriga dalka Koonfurta Kuurya ayaa sheegay in Dhoolatuska ay maanta sameeyeen Milliteriga Waqooyiga Kuurya ku soo bandhigeen nooc cusub ee Gantaalka Balaastikadda ee isaga kala goosha Qaaradaha.

Dabaldegga lagu maamusayey sannad-guuradii 105-aad ee ka soo wreegtay Dhalashadda Hoggaamiyihii asaasay dalkaasi ee Kim Il Sung ayaa maanta lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Pyongyang.

Milliteriga Waqooyiga Kuurya ayaa qorsheynaya inay markii 6-aad tijabiyaan Hubka Nukliyeerka, iyagoo ka digay inay ka jawaabi doonaan Daandaansi kasta oo uga yimaada Milliteriga Maraykanka.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media