Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn iyo Gudoomiye ku-xigeenka Qorsheynta Maamulkaas.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Najax ayaa shaqada looga jooiyay Guddoomiyaha Wanla-weyn Maxamed Siidow Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka qorsheynta Nuur Axmed Nuur Baadiyow.
Sidoo kale Wareegtada shaqo joointa ayaa waxaa lagu sheegay in ilaa amar dambe waxaa xilka Guddoomiyaha Wanla-weyn sii heyn doona Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada degmadaas Maxamed Cabdullaahi Cumar.
Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaal beeleedyo iyo dilal xun oo dad lagu gubay, waxaana arrintaas ka carooday dadka Soonaaliyeed.
Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Najax.