Ciidamada Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah fuliyey duqeyn gantaal oo muddo joojisay howlihii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dimishiq, islamarkaana ay ku dhinteen afar qof, waxaa sidaas ku warantay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo militari.
Abaare 2:00 subaxnimo, Israa’iil waxay fulisay weerar “gantaallo badan, oo ay la beegsatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dimishiq iyo agagaarkiisa,” waxaa sidaas SANA u sheegay ilo-wareedyada milateri.
Weerarka ayaa sababay “dhimashada laba askari… taasi oo keentay in garoonka caalamiga ah ee Dimishiq uu shaqada joojiyo,” ayuu yiri ilo-wareedka.
Weeraradii Isniintii ayaa lagu garaacay “goobo ay ku sugnaayeen Xizbullah iyo kooxaha taageersan Iiraan ee ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, iyo bakhaar hubka lagu kaydiyo,” waxaa sidaas AFP u sheegay madaxa kooxda xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhiggeedu yahay Britain, Rami Abdul Rahman.
Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka lagu dilay afar dagaal-yahan oo ay ku jiraan laba askari.