Isgaarsiinta deegaano ka tirsan Jubbada Hoose oo hawada ka maqan

Wararka aan ka heleyno deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay ka da’een Roobab xoogan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Roobabka Gu’ga ayaa ka curtay guud ahaan deegaanada Gobolka Jubbada Hoose, waxaana Roobka uu saacadihii lasoo dhaafay siweyn uga da’day degmada Badhaadhe iyo deegaano hoostaga degmadaas.

Dhinaca kale waxaa saakay hawada ka maqan Isgaasriinta deegaano dhowr ah, kadib markii ay Biriq ku dhacday Towerkii Shirkadda Hormuud ee deegaanka Buurgaabo, taas oo keentay in Isgaarsiinta deeganadaas ay Go’do.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Isgaarsiinta ay ka maqan tahay deegaanka Raas-Kaambooni oo ay saameysay Biqdii ku dhacday Xarunta Shirkadda Hormuud ee Buurgaabo, waxaana adeg in la helo adeegii EVC-Puls oo muhiim u ah dadka deegaanka.

Roobabka Gu’ga ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay  deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Jubbooyinka, Galguduud, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Gobolka Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media