Maxkamad ku taalla JesiiraddaLombok ee dalka Indonesia waxaa maanta la soo taagay Nin u dhashay Faransiiska oo lagu helay inuu dhoofin jirey Daroogada.
Ninkaasi oo lagu magacaabo Felikis Dorfin ayaa waxaa bishii September ee sannadkii hore lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Lombok, isagoo watay shixnad ay ku jireen Daroogadda nooca Khatarta ee Kokaa’iinka.
Eedeysanaha oo 35-jir ah waxaa lagu xukumay Dil Toogasho, inkastoo uu Qareenkiisa, Deni Nuur sheegay inuu Rafcaan ka qaadan doono Xukunkaasi.
Dhinaca kale, Muwaadin kale oo u dhashay Faransiiska oo lagu magacaabo Serge Atalaou iyo haweeney u dhlaatay dalka Britain ayaa isagana Dil-sugayaal ku ah Xabsi ku yaalla dalka Indonesia tan iyo sannadkii 2007-dii, iyagoo lagu qabtay Daroogo.