Qaxootigaasi oo la filayey inay u ddhoofaan maraykanka ayaa waxa saamayn ku yeeshay Amarkii Madaxweyne Donald Trump ku mamnuucay inayan Maraykanka soo geli karin dadka u dhashay 7 Waddan oo Muslim ah oo ay Somalia ku jirto.
Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 13,000 oo qof op ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ku xayiran Kenya la filayey inay Toddobaadkan u dhoofaan dalka Maraykanka.
Sarkaalka Xafiiska UNHCR ee magaalladda Nairobi, Yvone Ndege ayaa sheegtay inay 13,000 oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida weli sugayaan inay Saraakiisha Maraykanka wareystaan, ka hor inta aan loo qaadin Maraykanka.
Waxay kaloo sheegtay inay diiwaan geliyeen 26,000 oo qof oo u socday qorshaha dib loogu dejin lahaa Maraykanka, inkasta oo uu Amarkii Donald Trump ka xayiray Safarkooda.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Qaxootigaasi ku sugan Kenya ayaa shalay loo sheegay inaysan Maraykanka kaga dhoofi karin Garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee Nairobi, halkaasi oo ay ku sugayeen Duullimaadyadii ay raaci lahaayeen
Guddoomiyaha Hay’adda UNHCR, Filippo Grandi ayaa sheegay 800 oo Qaxooti Somalia horey u gaareen Maraykanka oo ay dib-u-dejin ka heleen.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inay bisha May xiri doonaan Xeradda Qaxootiga Dhadhaab, iyadoo uu xilligaasi ku soo beegmayo, marka uu Donald Trump qaadi doono xayiraadda uu saaray dadka Muslimiinta ee ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, Syria, Libya, Yemen, Iraq iyo Iran.
©Radio Dalsan