Nikki Haley oo ka hadashay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka QM xalay ka yeesheen Tijaabinta Iiraan ee Gantaalka cusub ayey sheegtay inaan la aqbali karin Tijaabadaasi, isla markaana uu xad-gudub ku yahay Heshiiskii Nukliyeerka ee ay Iiraan iyo Dowladaha waa wayn kala saxiixdeen bishii July ee sannadkii 2015-kii.
Sarkaal u hadlay Maraykanka ayaa Isniintii hore sheegay inay Iiraan tijaabisay Gantaal ridada dhexe oo Balaastik ah, kaasi oo wax ka dili kara 1,010 KM.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan, Javed Shariif ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo Eedeyntaasi, wuxuuna xusay inaysan Iiraan marnaba Gantaalladda ku weerari doonin Waddan kale.
©Radio Dalsan