Wakaalladda Wararka AFP oo aragtay Dukumentiyadda Xogta Dowladda Jarmalka ayaa lagu sheegay inay dadkaasi codsadeen Magangelyo, kadib, Afgambigii fashilmay ee bishii July ka dhacay dalka Turkiga.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jarmalka waxay ka gaabsatay inay sheegto tiradda Diplomasiyiinta Turkishka ee codsatay Magangelyadda, iyadoo Saraakiisha Milliteriga ee codsaday magangelyada yihiin kuwo ka hawl geli jirey Xarumaha Isbahaysiga NATO ku leeyihiin Jarmalka.
In ka badan 41,000 oo qof ayaa loo xiray Afgembigii fashilmay eel ala maaganaa Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan, waxaana Afgembigaasi lagu eedeeyey Fatxullahi Gulen oo masaafuris ugu nool dalka Maraykanka, inkastoo uu beeniyey eedeyntaasi.
©Radio Dalsan