Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Faramaajo oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka Sacuudiga ayaa waxa uu xalay ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Boqor C/casiis Al-sacuud oo ku yaalla magaalladda Jeddah.
Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Jeddah ku so odhaweeyey Amiir Faysal Bin Maxamed Bin Sacad iyo madax ka tirsan Gobalka Maka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa shalay soo gutay Waajibaadka Cimradda, wuxuuna xalay ka soo ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee King Khalid Airport ee Caasimadda dalkaasi ee Riyadh, waxaana soo dhaweeyey Wasiiru-dowlaha Xukuumadda Sacuudiga, Dr. Casaam Bin Sacad. Safiirka Sacuudiga u jooga Somalia ee fadhigiisu yahay Nairobi Maxamed Bin C/qani Khayaat iyo Safiirka Somalia u jooga Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo Jaalliyadda Soomaalida ku nool Jeddah, ka hor inta uusan dib ugu laabanin Muqdisho.
©Radio Dalsan