Ku-dhawaad labo milyan oo Xujey ah ayaa gudanaysa Waajibaadka Xajka ee sannadkan 1437-da Hijriyadda, kuwaasi oo maanta ku wada sugan yihiin Baradda Banka Carafo.
Dhaxal-sugaha Booqrtooyada Sacuudiga. Ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxa Xajka Amiir Maxamed Bin Naa’if Bin C/casiis ayaa sheegay inay Xujedyda si nabad ah u gudanayaan Waajibaadkooda Xajka.
Waxa uu sheegay inay Xujey tiradoodu dhan tahay 1.3 milyan oo Xaaji iyo Xaajiyo xajinayaan sannadkan 1437 Hijriyah, kuwaasi oo ka kala yimid 164 Waddan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Sacuudiga waxa uu sheegay in tirada Xujeyda ee sannadkan ay 5% ka yar yihiin Xujeydii sannadkii hore soo xajiyey.
Ammaanka Xujeyda ayaa aad loo adkeeyey iyadoo markii ugu horreysay Diyaaradaha Droneska lagu arkay iyadoo dul heehabayo Dayuuf Raxmaanka xajinayo.
Dhinaca kale, Malaayiin Muslimiin ah ayaa maanta Alle dartiisa u sooman si uu u haleeshiyo Kheyrka Badan ee maalinta 9-aadka ee Xajka.
©Radio Dalsan