Ilhaan Cumartii Madoobeyd oo guuleystay maalintii uu guuleystay Bahalka Cad.
إلهان عمر السوداء التي فازت يوم فاز الوحش الأبيض
Bishan November 8-dii waxay Maraykanka u ahayd ballantii labada gariir ee heerka culus.
Mid waxa uu ahaa Natiijadda Doorashadda Madaxweynaha ee ay ku tartameen Ganacsadaha Maalqabeenka ah Donald Trump (70-jir) iyo Musharaxa Xisbiga democratic, Hillarty Clinton (69-jir).
Doorashadiisa waxay keentay Dibadbaxyo iyo Hal-ku-dhegyadda “Trump, ma aha Madaxweynahayga”.
Dhul-gariirka kale ayaa ah Guusha gabadha Soomaaliyeed ee Muslimadda ah, Ilhaan Cumar (34-jir), taasi oo noqotay Gabadhii Muslimadda ee xijaaban, kana timid Qaxooti.
Waxay Doorashadeeda noqotay Fallaar dhaawacday Ololaha Doorashadda ee Donald Trump, kuna eedeeyey mas’uuliyadda rabshadihii ka dhacay Maraykanka iyo Doorashaddii Golaha Odayaasha (Kongareeska).
Waxaana la xaqiijiyey in Doorashadda Ilhaan Cumar dhabar-jab ku noqotay Donald Trump.
Gabadha Muslimadda ee Soomaalida waxay markii la shaaciyey Guusheeda u jeedisay Taageerayaasheeda isku soo baxay Hadal mahad-celin, waxayna tiri:- “Cawaa waa mirihii aan ka helnay dadaalkii shaqo ee aan in ka badan hal sanno wadnay”.
Waxay kaloo ku boorisay Taageerayaasheeda, siiba Qaxootiga ka yimid Bariga Afrika inaysan Guusha joojinin Hawlaha iyo in la sii wado sidii loo dhisi lahaa Duni aad Barwaaqo u ah.
Ilhaan Cumar waxay ku dhalatay Somalia sannadkii 1982-kii, intaysan dhamaysnin da’da 9-aad waxay iyada iyo Ehelkeeda u socdaaleen Kenya sababo la xiriiray colaadihii sokeeye ee Somalia ka qarxay sannadkii 1991-kii.
Ilhaam waxay 4 sanno ku noolayd Xerooyinka Qaxootiga, ka hor inta aysan iyada iyo qoyskeeda sannadkii 1995-kii u soo safrin dalka Maraykanka.
Waxay qoyskeeda markii ugu horreysay deggeen magaalladda Orlingot ee Gobalka Virginia, kadibna waxay u soo wareegeen magaalladda Minneapolis, halkaasi oo si degdeg ah ku baratay Luqadda Englishka muddo 3 bilood oo keliya.
Waxay ka faa’ideysatay Awoowgeeda oo ay la socon jirtay inta lagu guda-jiro Shirarka.
14-jirkeeda waxay u noqotay Turjumaan, waxayna markii dambe Arday ka noqotay Jaamacadda North Dakot, oo ay ka qalin jebisay Shahaadada Cilmiga Siyaasadda iyo Daraasaadda Caalamka (A degree in political science and international studies).
Tallaabadaasi ayaana horseeday inay Qoyskeeda si xooggan u dhex galaan Siyaasadda Caalamka.
Ilhan Cumar oo 34-jir ah waxay noqotay Haweeneydii Muslimad ah ee abid ka mid noqota Kongareeska Maraykanka, waxayna sare u qaaday Sawirka iyo Sharaafta Islaamka oo uu Donald Trump sida xun ugu goodiyey, isagoo sheegay inuusan oggolaan doonin inay dadka Muslimiinta soo galaan Maraykanka.
WQ. Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan