Urur Goboleedka IGAD ayaa cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ee khamiistii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, IGAD ayaa sheegtay inay la dagaalami doonaan Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi ,kaasoo ay ku dhinteen shacab aan waxba galabsan.
Urur Goboleedka IGAD ayaa ku ammaanay ciidamada Dowladda Soomaaliya dadaalka iyo geesinimadooda ku aadan siday u xakameeyeen khasaaraha shacabka ka soo gaari lahaa weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Maka Al-mukarama iyo goobaha kale ee ganacsiga ku yaala hareeraha wadada.
“Dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD waxay xaqiijiyeen taageerada Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan inaan marnaba loo dulqaadan Karin kana soo horjeedaan dhammaan noocyada argagixisada ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay IGAD.
Sidoo kale,war ka soo baxay IGAD ayaa lagu cadeeyay in si wadajir ah looga hortagayo caqabadaha ka hor imaan kara nabad galyada iyo xasilloonida Soomaaliya.