Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.
Dilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne,is markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay u geysteen Saraalka ka tirsanaa Ciidanka Xooga dalka ee ku sugan Magaaladaasi .
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Mahad,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa goobta durbo ay ka baxsadeen,sida dad goobjoogayaal ah ay Dalsan u sheegeen.
Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen Ciidamada dowlada Soomaaliya,waxaana halkaasi ay ka qaadeen Meydka.
Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Ciidamada howlgal ay ka wadaan Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne,isla markaana ay ku baadi goobayaan ragii ka dambeeyay dilkii loo geystay Cumar Cabdi Mahad oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xooga dalka.