Hogaamiyaasha IGAD, ee Bariga Africa ayaa arkay qatarta Al Shabab ee gobolka, waxaana ay sheegeen in kooxda, ay weerar ku yihiin wadamada bariga qaaradda Africa oo dhan.
Al shabab, waxaa ay yihiin koox, balaaran oo garab military leh, waxaana ay doonayaa in ay weeraro ay ka geystaan dalalka Kenya iyo Ethiopia.
Warbixin ka kooban 53 bogg, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al Shabab, ay yihiin sida Qatar amaan oo kumeel gaar ah, waxaana saldhigyadooda ugu weyn ay ku yaalaan gudaha soomaaliya, waxaana xubnaha ay ku xiranyihiin ay joogaan guud ahaan gobolk ayaa lagu yiri warbixinta.
Geeridda hogaamiyaha Al Shabab, ayeey ku sheegeen in uu keeni karo hoos u-dhaca awooda ay weerarada ay ku qaadayaan.
Hadalka IGAD, ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab la sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaanka Sunguuni ee gobolka Jubadda dhexe, ay ku burburiyeen saldhig Al Shabaab.
Deegaanka Sunguuni ayaa ah, mid istiratiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba.
Sidoo kale howgalka laga sameeyey degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda Hargeysa Yareey ayaa lagu gubay gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro ka tirsan Al Shabaab.
Howlgalladan oo ahaa mid is dhaba joog ah ayaa laga sameeyay degmadda Saakow oo saldhig weyn u ah Alshabab waxaana lagu dilay hogaamiyaal muhim ah oo dib loo faahfaahin doono, waxaana lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.