Laanta Qaramada Midoobe u-qaabilsan dhinaca Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay intii u dhexeysay 16 ilaa 31 bishii July in Qaxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa xerada Dhadhaab ee waqooyi bari dalka Kenya oo gaarayay 2,272 in ay ku celiyeen soomaaliya.
“ 2,272 qoys oo soomaalia ah ayaan ka caawinay sidii ay dalkooda hooyo ee soomaaliya dib ugu noqon lahaayeen, waxaana ay aheed caawintaasi codsi ka yimid qaxootiga “ , sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda.
Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in qiyaastii 1,061 qof lagu safriya dhulka, halka 211 qofna lagu geeyay Magaaladda Mogadishu diyaarad.
Guud ahaan tiradda 31 ilaa 19 bishii July waxaa ay gaarayaan 19,523 soomaali ah kuwaasoo lagu celiyay gurayhooda soomaaliya tan iyo 8 bishii December ee sanadkii 2014, xiliaasoo UNHCR ay biloowday in Qaxootiga ay ka caawiso in soomaaliya lagu celiyo.
Sanadkaan 2016, waxaa laga taageeray in dalkooda soomaaliya loosoo dadgureeyo 13,332 qof oo Qaxooti ku ahaa xeryaha waqooyi bari dalka Kenya.
Xukuumada Nairobi, ayaa aaminsan in Al Shababkii inka bada 148 ruux ku dilay jaamacadda Magaaladda Gaarisa ee waqooyi bari dalka Kenya bishii Aprle 2015 in ay ka yimaadeen xeryaha dalkaasi ee ay soomaalidu ku jiraan.