Qoraal Kooban oo ka soo baxay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalladda The Hague ee dalka Netherlands ayaa waxaa lagu xusay Baaq loo jeediyey Dowladda Kenya oo ku aadan Dacwadda Muranka Badda, o oay Dowladda Somalia u gudbisay Maxkamadda ICJ sannadkii 2014-kii.
Bilowgii bishan February ayey Xeer-beegtida Garsoorka ee Maxkamadda ICJ waxay oggolaadeen inay qaadi karaan Dacwadaasi, waxayna laashay codsi Kenya ku sheegtay inaysan Maxkamadda ICJ awood u lahayn inay qaadan Dacwadaasi.
Qoraalka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ayaa waxaa Dowladda Kenya loo qabtay ugu dambeyntii inay bisha December 18-da ee sannadkan 2017-ka ku soo gudbiyaan Jawaabtooda Rasmiga ee ku aadan Dacwadda ay Somalia ka soo gudbisay Dacwadda Lahaanshaha Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay oo dhererkiisu gaarayo 142,000 oo Kiilomitir oo Isku-wareegga ah.
©Radio Dalsan