Wararka aan ka heleyno Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta uu hakad ku jiraan howlihii Shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.
Hakadkaan ayaa waxaa sabab u ah Roob ka da’ayay maalmihii la soo dhaafay Magalada Baladweyne,isla markaana uu saameyn ku yeeshay Garoonka oo ah mid bacaad ah.
Gudaha Garoonka ayaa waxaa lagu arkayaa biyo farabadan oo roobka uu dhigay taas oo keentay inay duulimaadyadii hakadaan.
Sanad walba markii uu roobka yimaado ama fatahaada uu sameeyo Wabiga Shabeelle waxaa istaaga howlaha Shaqo ee ka socda Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.