Ciidamadaas oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay fariisin ka sameysteen duleedka degmadaas,sida ay Dalsan u sheegeen dad ku sugan degmada Guriceel.
Weli lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamo Itoobiyaan ah ay xiligaan tagaan degmada Guriceel oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.
Ciidamadaan Itoobiyaanka ah ee Maanta tegay degmada Guriceel ay ka tageen degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin madaxda Maamulka Galmudug.