Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulan ku yeeshay wasiirka Amniga Jubbaland iyo saraakiisha Ciidamada Jubbaland.
Kulankooda waxa ay uga hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada amni xaqiijinta ah ee maalmahaan ka socday Xaafadaha kala duwna ee Magalada Kismaayo.
Wasiirka amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur(Janan) ayaa saraakiisha Amniga ku amray inay xoojiyaan adkeynta Amniga,isla markana ay ka hortagaan cidkasta oo iskudayda inay falal amndiaro ka geysato Magalada Kismaayo.
Dhawan ayaa Magalada Kismaayo howlgal ka dhacay waxaa Ciidamada Jubbaland ay ku soo qabteen 11 Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen kooxo maleegayay falal amnidarro.