Howlgal Culus oo ka socda Magaalada Guriceel

Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa howlgalo kala duwan ka wada Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib markii xalay halkaas uu ka dhacay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu qaaday Guri ku yaalla Xaafadda bilan gaar ahaan kasoo horjeedka Isbitaalka Qaaxada, waxaana deganaa Sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Nabadsugida Galmudug, kaasi oo ka badbaaday weerarka.

Ciidanka Booliska Galmudug ayaa howlgalo kala duwan ka wada Guriceel, iyagoo ku raadinaya raggii ka dambeeyay weerarkii Bam gacmeedka ahaa ee halkaas ka dhacay, iyagoo baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale Ciidamada ayaa su’aallo dhowr ah weydiinaya dhalinyarada iyo goobo ganacsi oo la sheegay in Ciidanka amniga ay bartilmaameed u yihiin, isla markaana howlgalkaas uu yahay mid qorsheysan.

Ma jiro Khasaaro ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Guriceel, waxaana weerarkaas uu noqonayaa midkii ugu horreeyay ay muddo 12-sanno, kadib  ka dhacay halkaas, iyadoona Sarkaalka ka badbaaday uu kamid ahaa Ururkii Ahlusunna ee Galmuduga laga saaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media