Faah faahin:-Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah-faahino ayaa kasoo baxaya Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Xerada ay degan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku taalla inta u dhexeeysa Xarunta Xisbiga iyo Isgoyska Baar Ayaan ee Magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxas ayaa siweyn looga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu dhuftay Albaabka hore ee Xerada Guutadda 12-ka April.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo dad shacab ah oo Xerada ka Agdhawaa.

Qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas xoogan furay Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa meel aan sidaas uga forey, halka la weeraray, waxaana daqiiqado kadib halkaas tegay Ciidamo farabadan oo Booliska ah, iyagoo gabi ahaan aaga xiray.

Wariyeyaal badan ayaa ku sugan meel dhowr tallaabo u jirta Xerada la weeraray, waxaana Ciidanka amniga ay diidan yihiin in Wariyeyaasha gudaha u galaan  Xerada, si ay u soo tebiyaan Khasaaraha jira, waxaana halkaas laga maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidanka dowladda.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in 6 qof ay qaraxaas ku dhinteen, halka tiro intaas kabadanna ay ku dhaawacmeen, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Dowladda oo ay uga hadlayaan qaraxaas dhacay.

Comments
Loading...