Wafti uu hogaaminayo Wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka ahna siihayaha Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Puntland, Cabdirashiid Cali Geelle ayaa Maanta kormeer ku sameeyay howlgalka xakamaynta iyo la dagaalanka Ayaxa oo welin ka socda deegaanada Puntland.
Wafdigaan ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga ku howlan arrinta la dagaalanka Ayaxa, iyagoo sidoo kale u koor galay sida ay u socoto shaqada Ayaxa iyo doorka bulshada ee la tacaalida xakamaynta.
Deegaanada Puntland ayaa waxaa siwayn uga soconaya dadaal xoogan oo ay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL ku xakamaynayso Ayaxa oo ku dul degay dhul*daaqsimeedka iyo dhulka beeraha leh.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la-dagaalanka Ayaxa u adeegsaneysa diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helicopter-ka iyo gaadiid lagu rakibay Sunta lagula dagaalamo Ayaxa.