Boqorka dalka Urdun, C/llaahi Bin Xuseen Bin Talaal ayaa la filayaa inuu maalinta Isniinta booqasho uga bilaabanto dalka Maraykanka, isagoo la kulmi doona Madaxweynaha dalkaasi.
Boqorka Urdun ayaa noqon doona Hoggaamiyihii Carbeed ee Wada-hadal la qaata Maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump, waxayna booqashadiisa ku soo beegantay iyadoo uu Donald Trump saxiixay amar lagu xairayo Qaxootiga iyo dadka ka imaanayo dalalka Somalia, Sudan, Yemen, Iran, Iraq iyo Libya.
Dhinaca kale, Boqorka dalka Urdun, C/llaahi Bin Xuseen Bin Talaal waxa uu isbuucan booqday dalka Raashiya, isagoo Madaxweyne Valadamir Putin ka wada hadleen xiriirka labada Waddan iyo Xiisadaha ka taagan dalalka Syria iyo Iraq.
©Radio Dalsan