Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa waxay shalay weerar qorsheysan ku qaadeen Xeradda ay Ciiddanka Kneya ku leeyihiin Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/Hoose, halkaasi oo ay ku dileen Askar Kenyan ah.
Warar madax bannaan ayaa shegayo in 50 Askari Kenyan ah lagu dilay weerarkaasi ka dhacay Degaanka Kul-biyow oo 18 KM u jirta Xuduudka Kenya.
Afhayeenka Milliteriga Kenya, Kolonel Paul Njuguna ayaa sheegay in 9 Askari looga dilay Weerarkaasi, oo yimid maalmo kadib, sannad-guuradii 1-aad ee Weerarkii Ceel-cadde oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku dileen in ka badan 100- Askar Kenyan bishii January 15-dii ee sannadkii hore.
Afhayeenka waxa u ubartiisa Twitterka soo dhigay inay Alshabaab weerarkaasi u adeegsadeen Gaadiid Dagaal oo ay horey Ciiddanka Kenya uga qabdsadeen Dagaalkii Ceel-cadde.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka CORD ee dalka Kenya, Raila Odinga oo horey ugu baaqi jirey in Ciiddanka Kenya laga soo saaro Somalia ayaa cambaareeyey Weerarkii Kul-biyow, kuna tilmaamay wax aan la aqbali karin.
©Radio Dalsan