Idaacadda FANA ee ku taalla magaalladda Addis Abeba ayaa maanta sheegtay in la filayo in la sii daaayo Hoggaamiyaha Kooxda Mucaaradka ee GINBOOT 7, kaasi oo sannadkii 2014-kii laga soo qabtay dalka Yemen.
Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabo ANDARAGAJEW TASIGE oo haysta dhalashadda dalka Britain  ayaa la sheegay in cafis loo fidiyey, kadib, markii uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkaasi uu soo farageliyey arrintaasi.
Tan iyo markii uu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia Abii Axmed la doortay bishii April ee sannadkan waxa uu oodda ka qaaday dhowr kun oo Maxaabiis, oo ay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah iyo Suxufiyiin.
                                                                                  Â