oo ahaa U-ololeeye ka soo horjeeday Nidaamkii Midab-takoorka ee dalka Koonfurta Afrika ayaa saakayto ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Johannesburg.
Gacan-yarayaashiisa ayaa sheegay inuu Ahmed Kathrada geeriyooday, iyadoo uu dhiig kaga furmay Maskaxda.
Marxuumka oo 87 jir,waxa uu muddo 26 sanno ku soo qaatay Xabsiga, isagoo la xirnaan jirey Hoggaamiyihii hore ee Xisbigii ANC, Nelson Mandela oo markii dambe noqday Madaxweynaha dalka K/Afrika.
Waxaa kale oo Xabsiga Robben Island ee duleedka magaalladda Cape Town kula xirnaan jirey Siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Walter Sisulu iyo Denis Goldberg.
©Radio Dalsan